Nairobi (dayniiile.com)-Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa baafinaya ku dhawaad 200 meyd oo ehaladoodii la aqoon waayay kuwaasoo lagu hayo goobaha lagu keydiyo meydadka.
Masuuliyiinta Dowlada hoose ee Nayroobi ayaa warbaahinta u sheegay in hadii meydadkaasi la waayo wax soo doonta oo duuganaya inay ku qasban yihiin inay ka saaraan goobaha lagu keydiyo meydadka.
Goobaha meydadka la dhigo ee City Mortuary iyo isbitaalka Mama Lucy Hospital ayay kala yaalaan meydadkaasi.
Sida lagu sheegay ogeysiis shalay soo baxay ayaa waxaa ku cad in 169 ka mid ah meydadkan ay yaallaan City Mortuary halka 24 ay yaalaan isbitaalka Mama Lucy.
Dowladda hoose ee ismaamulka Nayroobi ayaa ku goodiyay hadii mudo asbuuc ah aan lagu soo doonan meydadkaan inay ogolaansho u raadsan doonaan kadibna ay iyagu aasi doonaan.
Sidaan oo kale ayaa hore u dhacday markii bishii Febraayo ee sanadkaan ismaamulka Nayroobi uu aasay 250 meyd markii la waayay ehalada meydadkaasi.
Si kastaba sababaha meydadkani loo la’yahay dadkooda ayay dadka qaar ku fasireen in dadka dhintay qaarkood shilal ku dhinteen kuwana la dilay sidaas daraadeed ay jirto cabsi in danbi baaristu qofka soo sheegta laga yaabo inay dabagal ama su’aalo ka weydiiyaan ama xitaa dhaqaale bixin uu soo galo madaama ay dhici karto qofkaasi inuu deyn qabay ama shil wax ku qaribay ka hor inta uusan dhiman ama xitaa danbiile hore loo raadsanayay uu yahay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM