Dooloow (dayniiile.com)-Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo waxaa Saaka laga soo sheegayaa inay xiisad dagaal ka taagan tahay taasoo daba socota dagaalkii shalay dhex maray ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Saaka waxaa laga cabsi qabaa inay mar kale isku dhacaan ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ay isku reer yihiin Barre Hiiraale iyo Ciidamada Itoobiyaanka oo tan iyo shalay ku amraya Siyaasi Barre Hiiraalle inuu ka baxo Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo.

Advertisement

Shalay sidaan oo kale ayaa la isku dhacay markii ay ciidamada Itoobiyaanka ahi wadada xirteen xili Barre Hiiraalana ay ku amreen maalmo ka hor inuu ka baxo Dooloow,waxaana isu xiran Ciidamada Dowlada iyo Barre Hiiraale .

Dhanka kale dadka shacabka ah ee ku dhaqan Dooloow ayaa la soo warinayaa inay cabsi ka muujinayaan in magaalada Dooloow uu  mar kale ka qarxo iska hor imaad islamarkaana lagu dhex dagaalamo shacabka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Barre Hiiraale isna wuxuu sheegay in loo doortay madaxwaynaha Jubaland - BBC Somali - Warar

Previous articleBoqol ruux iyo Lamaanayaashii oo ku dhintay Xafladii Arooskooda.
Next articleDagaal-yahanada Alshabaab oo dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka wada Gobolka Geddo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here