Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Guutada Cali Binu Abii Daalib ayaa Degmada Wabxo oo ka tirsan Gobolka Galgaduud kala wareegay Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo lagu faafiyay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa lagu sheegay in, “Ciidanka Qaranka oo kaa shanaya Shacabka deegaanka ayaa goor dhaw si buuxda ula wareegay Magaalada Wabxo oo ah goob aad u Muhiim ah.”

Advertisement

Sidoo kale warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidama Xoogga dalka ay Magaalada ka wadaan hawlgal lagu xaqiijinayo Amniga. Sidoo kale Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la wareegay deegaano ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale, Gal qoryaale, Bidda Ciise iyo Goobo kale.

Magaalada Wabxo oo 45 KM u jirta Degmada Ceelbuur oo ah Magaalo qadiimi ah ayna fariisin u tahay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa hadda ku sii wajahan Ciidama dowladda, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidama dowladda.

November 9, 2023-ka war ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay Al-Shabaab kala wareegeen deeggaanka Wabxo oo ka tirsan Gobalka Galaduud kaas kana talinayeen muddo ka badan 15 sanno.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood oo Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda la hadlay ayaa sheegay in ciidanka xoogga oo kaa shanaaya dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku heenta deegaanka Wabxo iyo deegaannada kale oo ka mid yihiin Warxoole, Ceelboore, Wara-gibile, Ceelgorof, Wara-dhuumale iyo Ceelgorof kuwaas  oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleed Galmudug.

Ciidankaan la wareegay deegaanka Wabxo ee Gobalka Galgaduud ayaa ku sugnaa maalmahaan Gobalka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, qaar ka mid ah Xildhibaanno Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa ka sagootiyay Magaalada Maxaas.

Previous articleTrump oo sheegay in dhowaan la xiri doono
Next articleGuddoomiye Aadan Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here