Sida aan ka soo xiganay Idaacada VOA-da Laanteeda Afka Soomaaliga waxaa khasaare badan uu shalay soo gaaray ciidamada Macawisleyda ,Dowlada Soomaaliya iyo Galmudug kadib Dagaalkii shalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Shabeeloow .

Warbixinta VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ay soo daabacday ayaa  u qorneyd:-

Advertisement

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal qaraari uu shalay ka dhacay meel u dhaxaysa Wisil iyo degaanka Shabeelow oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada degaanka iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Laba ilo wareed oo la hadlay Idaacadda VOA, oo codsaday inaan magacooda la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay inay dagaalkan ku dhinteen tobannaan qof oo dhinacyada dagaalamay ah oo ay ku jiraan ilaa 30 ka mid ah ciidamada degaanka.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan magaalada Gaalkacayo.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamo kuwa degaanka ah oo ay la socdaan saraakiil kala duwani, ay u socdaaleen goob taag ah si ay u helaan khadka telefoonka oo ay ku hadlaan, hase yeeshee waxaa dhexda u galay al-Shabaab.

Ciidan gurmad ah oo u tagay iyo al-Shabaab ayaa waxaa dhexmaray dagaal qaraar, taasi oo keentay dhimasho kale.

Dagaalkan ayaa la sheegay in gabalku dhacay iyadoo la is weydaarsanayo rasaaas culus.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkan ku dileen 58 qof, sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.

Dhanka kale magacyada labada masuul ee dagaalkaan lagu dilay ayaa kala ah Cali Naasir Cabdi Aadan  oo ahaa Taliye xigeenkii Ciidamada Mikatariga isku dhafka Gobolka Mudug iyo Xoghayihii dowlada hoose ee Gaalkacyo C/qani Af-dhuub.

Si kastaba deegaanka Alshabaab lagu weeraray ayay Icaadacada VOA-du xustay in wali ay joogaan Alshabaab oo aan lagu guuleysan in laga saaro.

Previous articleTaliyaha Ciidamada Lugta “Hogaamiye Cilmi Hagar waad ogtihiin halgankii uu ku shahiiday dadkii iyo deegaankii uu khawaarijta ka xoreeyay ilaa iyo hada xoriyad iyo Nabad bay heystaan”
Next articleDanjiraha Soomaaliya ee Itoobiya oo la gudoonsiiyay waraaqaha aqoonsiga+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here