Sawiro- Gudoomiye fFnish oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi QM kasocda

 

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (fFnsh)
Ayaa xafiiskiisa kula kulmay kuxigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia ahna uqeebsanaha dhinaca Arimaha
bini.aadannimada mudane Adem Abdelmoula

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Gudoomiye Kuxigeenada Maaliyada iyo aArmaha bulshada ayaa looga hadlay arimaha hayadaha qaramada midoobay iyo sidii ay dowlada hoose
Ugala shaqeyn lahaayeen hayadaha QM arimaha bulshada oo ay kamidyihiin waxbarasha Caafimaadka iyo dhismaha caasimada dalka ee muqdisho.

Sidookale waxyaabihii kulankaas looga hadlay waxaa kamid ahaa in laxoojiyo xiriirka QM iyo Soomalia wax qabadkuna uu yahay mid markasta ubaahan in tilaabo deg dega horay looqaado

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay ku xigeenka ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan iskuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada MR.Adam Abdelmoula.

Dhanka kale Gudumiye finish wuxuu mahad balaaran u jeediyay dhamaan Hayadaha Qaramada midoobay iyo mudane Adem oo ah kuxigeenka ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay uqaabilsan Somaalia.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064