Berrito & baarlamaanka maxaa xigi doono

Baarlamaanka Mar hadiiba la horgeeyay ajandaha doorashada taasi waxay cadayn u tahay in laga laabtay doorashadii dadbanayd ee loo fadhiyay in lagu heshiiyo,

Mooshinka doorashada ee berrito la horgaynayo baarlamaanka waa mid ay ku lifaaqan tahay muddo kororsi sanad ama laba sano, sababtuna waxay tahay doorasho kuma dhacayso bil ama laba bil.

Maxaa ka dhalan kara ?

Dowladda Federaalka waxay gaartay guul sida ay la tahay iyada & taageerayaasheedaba, natiijada guusha ayaase ku xiran Sida ay u aqbasho beesha Caalamka una siido Aqoonsi, Iyadoo la ogyahay in beesha caalamka horay uga digtay kuna dhawaaqday in aysan Aqoonsan doonin ,

Aqoonsi la,aanta beesha Caalamka waxay kadhigi doontaa in soomaaliya dib ugu laabatay khilaafaad lagasoo gudbay iyo in ay abuurmaan dhinacyo iskasoo horjeeda, taasoo mid walba oo ka mid ah dhinacyadaas heli doonto Wadamo Shisheeye oo Taageera,

Puntland oo ah Awoodda ugu wayn ee hortaagan Muxaafidka ayaa Wajihi doonto Dagaal Ka dhan ah, Sida Xayiraad dhanka duulimaadka ah hadaan Cilad ku imaan Awoodda DFs uleedahay Maamulka Hawada,

Waxaa Suuragal ah in beesha caalamka iyo Qm Soomaaliya dib ugu Celiyaan Xayiraad muddo saarnayd oo laga gudbay sanadihii dhawaa, sida Maamulka Hawada oo dib loogu celiyo Gacanta Qm, & In Soomaaliya laga jarto Kaalmooyinkii sida tooska ah loo siin Jiray,

Saan saanta taagan Ma ahan Mid farxad galinaysa Muwaadin walba ee Soomaaliyeed ee Jecel Horumarka dalkiisa,.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here