Home Blog

Dowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay guushii macawisleyda Xawaadle

War saxaafadeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay Bogaadineysa Guusha Geesiyaasha Deegaanka iyo Ciidanka Qaranka.

Muqdisho, 02 May 2025: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si weyn u bogaadineysaa geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo gacan ka helaya Ciidamada Qalabka Sida oo si geesinimo leh ugu jabiyay Khawaarijta weerarro ay galinkii dambe ee maanta kusoo qaadeen deegaannada Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida oo la socday isku dayga nafla-caari ah ee Khawaarijta ayaa si weyn uga hortagay duullaanka cadowga, waxaana Alle mahaddiis ah in ay si buuxda u jabiyeen maleeshiyaadkii soo duulay.

Geesiyaasha halkaas ka dagaalamay waxay soo ururiyeen maydadka 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kale waxay nolosha ku qabteen afar maleeshiyaad ah, iyadoo saddex ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in tiro kale oo maydad iyo dhaawac ah ay horay usii qaateen Khawaarijtu.

Guushan weyn waa tii labaad oo muddo kooban gudahood lagu jabiyo Khawaarijta, iyadoo la xusuusto jabkii xoogganaa ee Khawaarijta lagula beegsaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, halkaas oo ay guulo la taaban karo ka gaareen Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka.

Intii uu socday howlgalka baacsiga ah, geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida waxay ka furteen Khawaarijta hub aad u badan.

Geesiyaasha reer Hiiraan waxay tusaale u yihiin halganka iyo geesinimada shacabka Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya Khawaarijta duulaanka ku ah qaranimadeena iyo diinteenna.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?.

Agaasimihii hore ee laanta Socdaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa war qoraala uu soo saaray wuxuu cinwaan uga dhigay Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?.

Siyaasigaani oo xiliyadaan danbe ka mid ah siyaasiyiinta diidan siyaasada Dowaladu wax ku maamuleyso sidoo kalana ah musharax madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa qoraalkiisa aad ugu dhaliilay sida ay dowladu dalka ku hogaamineyso.

Siyaasigaani wuxuu sheegay in qatarta taagan ay mid tahay in alabaabada loo laabay sedex madal oo dalka muhiim u ah isagoo tusaale usoo qaatay golaha baarlamaanka iyo warbaahinta.

Hadaba qoraalka siyaasigaan ayaa sidan u qoran:-

Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?.

Sedax madal oo dalka muhiim u aheyd ayey u muuqataa in laba Albaabada loo xirey, midna albaabka laga xirtey. Waa Baarlamaanka, Golihii wada tashiga iyo warbaahinta.
Haddii, Soomaaliyey, aanan garan karin halista ka dhalan karta laabidda goglaha kooban ee noo harey ee weli Soomaalidu ku doodo ama ku wada hadasho, kuma filnaan karno maareynta dowladnimadeena, mana ahan in aan waqti iska sii lumino ee waa in aan aqbalnaa guuldarada.
Sharciga oo aan la ilaalineyn, Xildhibaanada lagu gacan qaadayo gudaha xaafiisyadooda, ciidamada ka buuxsamaya fadhiga golaha B, iyo xadgudubka lagula kacayo wariyeyaasha waxay astaan u yihiin aragtida kalitalisnimada, mana ahan mid ka soconeysa Soomaaliya ee waqti ayey inaga qaadeysaa.
Waxaan canbaareynayaa talaabooyinkaas gurracan ee halista noo jiidayaa waxaana ka digayaa natiijada aan la mahdin doonin ee ka dhalan karta.
Waxaan weli rajo ka qabaa in cagligu soo noqdo oo lagu soo laabto dariiqa wadahadalka iyo is qancinta, madaxda dowladda dhexe ayeyna saarantahey masuuliyadda ugu weyn ee fududeynta, ballaarinta iyo dhiiragelinta goglaha wadahadalada.
“Haddaan is qancin wayno waa naloo qorayaa”

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Dowladaha Ireland, Austria, iyo kuwa kale, ayaa cambaareeyay go’doominta Israel ee 60-ka maalmood ee Gaza, iyadoo Amnestly International ay ku tilmaantay xannibaadda cuntada iyo daawada “dambi dagaal”.

Isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Amjad Shawa ee Gaza ayaa ka digay in carruur badan ay u badan tahay inay u dhintaan nafaqo-xumo iyadoo “Dhammaan Strip ay gaajoonayso” go’doominta Israa’iil awgeed.

Ilaha caafimaadka ayaa sheegaya in ugu yaraan 35 qof ay ku dhinteen duqeymaha Israa’iil ee Gaza maanta oo keliya, iyadoo hal weerar oo Bureij ah lagu dilay sagaal qof oo isku qoys ah.

Markab ay leedahay Gaza Freedom Flotilla oo siday 30 qof oo u ololeeya Falastiiniyiinta ayaa la duqeeyay, iyadoo kooxdu ay ku eedaysay Israa’iil ama mid ka mid ah xulafadeeda. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 52,418 falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 118,091, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaanka. Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Gaza ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay bishii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Macawisleyda Hiiraan oo ku kor dabaal-degay meydadka dagaalamayaal Alshabaab ay ka laayeen

CEEL-HAREERI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in galabta Macawisleyda gobolkaasi ku kor dabaal-degeen meydadka dagaalamayaal Alshabaab ay ka laayeen kadib dagaal culus oo alshabaabku jihooyin badan ka soo qaadeen.

Saraakiisha macwisleyda ayaa sheegeysa in meydadku tira beek noqdeen markii Alshabaab ku jabeen weerar ay iyagu soo qaadeen deegaanka Ceel-hareeri ee  dhanka xadka Gobolada shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Saraakiishu waxay sheegeen inay sidoo kale hub qoryaha fudud u badan ka furteen kooxda Alshabaab,guud ahaan hubka ay furteen waxay ku sheegeen 13 Ak47 ah iyo laba Baasuuke.

Qorayaha ay furteen qaar ka mida ayaad muuqaalka ku arkeysaa iyagoo rasaastii ku jirtay kor u ridaya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Maxaa ka jira in Baarlamaanka Mareykanka loo gud-biyay mooshin ka dhan ah Somalia

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Baarlamaanka Mareykanka loo gud-biyay xeer lagu joojinayo dhaqaalihii Mareykanku siin jirey  Dowlada Faderaalka Soomaaliya gaar ahaan dhanka Amniga.
Qaar ka mida Xildhibaanada iyo sanatarada Mareykanka ayaa wada xeerkaan iyagoona ku eedeeyay Somalia inaaney wax is badala sameyn intaas sano oo Mareykanku dhaqaale ku bixinaayay.
Waxay soo jeediyeen in la joojiyo dhamaanba dhaqaalihii Mareykanku ku bixin jirey Hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika gaar ahaan howlgalkii ATMIS ee hada loo badalayo AUSSOM.
Sedex mudane oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa horkaceysa mooshinkaan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senete-ka  Md. Jim Risch iyo labada xildhibaan kale Ted Cruze iyo Rick Scott.
Mareykanka ayaa ka careysan go’aankii Dowlada Somalia dhawaan ku mamnuucday Basaborka Taiwan iyado xildhibaano mareykanka ka tirsan ay ku hanjabeen in hadii Somalia ay ka laaban wayso go’aankaasi uu Mareykanku dhaqaalaha ka joojin doono Dowlada Somalia sida warkii saaka aan idinku sheegnay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Soomaaliya

Muqdisho, Jimco, 02-da May 2025
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalinta Shaqaalaha Adduunka hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca qaranka.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Mikhail Bodanov.
3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee cusub, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.
5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay Guddiga Xeer Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo .
6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa xafiiskiis kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.
7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay magaaladda Algiers ee Algeria, isagoo ka qeybgelaya shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Carabta.
8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejirey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirkii hore Jabriil Cabdirashiid Xaaji.
9- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yusuf Mohamed Adan oo dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda ay dadaal xooggan ku bixisay ilaalinta xuquuqdooda iyo kaalinta shaqo-abuurka.
10- Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa soo dhawaysay talaabada ay Maamulada Soomaaliland, SSC Khaatumo iyo Puntland isku dhaafsadeen maxaabiista dagaalka, kadib dedaaladii is-dabajoogga ahaa ee uu horkacayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
11- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ayaa loo qabtey taariikh cusub oo noqoneysa 5 bisha May 2025.
12- Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo sii habsami leh uga socota magaalada Muqdisho.
13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO),ee Bariga Africa Marwo Louise Haxthausen.
14- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Safiirka Qatar u fadhiya ee Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah Salem Al Nuceymi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya
15- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faraax Nuux ayaa qaabilay Ed Norris oo ah taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Afrika ee Maraykanka (AFRICOM).
16- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qeybgaley shir looga hadlayay Dardar-gelinta amniga caasimadda iyo qaadashada kaararka codbixinta ee diiwaangelinta dadweynaha.
17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo ay ka faa’ideysteen 25 weriye ah oo ka kala socda warbaahinta madax-banaan iyo warbaahinta dowladda.
18- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Dr. Badr Al-Atty ayaa khadka taleefoonka ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.
19- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed ayaa Isbitaalka Di Martino ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada qaar ka mid ah halyeeyada dagaalka ee macawisleyda ee ku soo dhaawacmay dagaalka ciribtirka Khawaarijta ee ka socda dalka.
20- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Addis Ababa uga qayb-galay Shirweynaha Hal-Abuurnimada Afrika oo si rasmi ah uu u daahfuray Ra’iisul Wasaare-Ku-Xigeenka Ethiopia Itoobiya, Mudane Temesgen Tiruneh.
21- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee labada dal.
22- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qaabilay Safiirka Turliga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.
23- Ciidamada difaaca deegaanka ee macawiisleyda ayaa gacanta ku dhigay hawdka degaanka Ciid-Ciidka ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo halkaasi ku dilay maaleeshiyaad ka tirsan argagaxisadda.
24- Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa warqadaha aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya Yuusuf Xasan Jeego.
25- Wasiir Ku-Xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Mohamud Abdullahi Ahmed ayaa ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta oo ka qabsoomay magaalada Haiko ee dalka Shiinaha.
26- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maryan Maxamed Xuseen ayaa ka qeyb gashey munaasabada xuska maalinta Caalamiga ah ee tallaalka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.
27- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa caasimadda Muqdisho ku qabatay kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasi oo diiradda lagu saaray ololaha wacyigelinta iyo abaabulka shacabka ee la dagaalanka argagixisada.
28- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya, Mr. Lionel Lourense, iyagoo ka wadahadlay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, casriyeynta magaalooyinka, iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada.
29- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen dhulka buuraha ah ee Yasooman iyo Aboorey ee galbeedka gobolka Hiiraan.
30- Wasiirro iyo Xildhibaano ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka xoogga Dalka oo ay ku jiraan dhaawacyada Ciidanka Qalabks Sida ee ku soo dhaawacmay furimaha dagaalka.
31- Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa ka qeyb galay shirka 47-aad ee Golaha Wasiirada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Wasiirka Batroolka oo shir uga qeybgalay Istanbul+SAWIRRO

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shirre Maxamad, iyo Wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamad Xaashi Carabeey iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Fathudin Cali ayaa si rasmi ah uga qeyb galay shirka Istanbul Natural Resources Summit, Kaas oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Wasiirka ayaa waxa uu ka qayb qaatay dood ku saabsan Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta, waxaana doodaan qeyb ka ahaa Wasiirada Macdanta Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia ayadoo uu dooda qaybinayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.
Shirkaan waxaa diiradda lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan Macdanta iyada oo lagu saleynayo baahida dunida ee tamarta nadiif ka ah iyo macdanta waarta.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire, ayaa madasha uga faa’iideystay fursad uu si qoto dheer ugala hadlo mas’uuliyiinta caalamka sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.May be an image of 4 people, dais and text that says "GY TRANSITION: MINISTERIAL DIALOGUE ON RES AHIR AHIRSHIREMOHAMED SHIRE MOHAMED Mineral FederalA USMANEABARCHI Fepublec/iuger ALPARSLANBAYRAKTAR ALPARSLAN BAYRAKTAR Mi heputlicolTurkips urkaya AHMED AHMEDABU-HEISA ABU-HEISA Minstero findustry Mines Stateo tateofLibya रবष F Fold5 Fold5 OURCES SUMMIT"May be an image of ‎3 people and ‎text that says "‎INRES blarbuNatar balarbuNatuaral Regpurces Bummit Resouncer TURKUVAZ MEDIA GROUP İSTANBUL " TURAL RESOURCES SUMMIT Resources. abuilding Futur ISTANBUL- عوت 2025 INRE 2ツ IR INRES Fold5 夏國聚‎"‎‎May be an image of 3 people, newsroom, dais and text that says "e DAHIR SHIRE MOHAMED Minister ofPetroleum and MiteroPeocemandMineraRes Mineral Resources Federal FederalRepublicofSomalia FederalRepublico Republic Somalia OUSMANE OUSMANEABARCH EABARCHI Minister fMines Republic RepublicofNiger ofNiger ALPARSLAN = MinisterfEnergyand Ministero nd Republicof ESOURGES SU Fold5"May be an image of 3 people and suitMay be an image of ‎4 people, dais and ‎text that says "‎NERGY ORISTAY UNn + וילל Istanbul Natural INRES Resources Summil TURK'AZ 'AZ TURKI ME ROUP ANBUL NATURAL RESOURC- SUM "Se ng Resources, Rebuilding Ore" গ İSTANBUL 02 MAY 2025‎"‎‎May be an image of ‎5 people, newsroom, dais and ‎text that says "‎OF FG 小使量 0 ילז Resources Summit INRES Istanbul Natural TURK'AZ 'AZ TURKI MEROUP ME ROUP ANBUL NATURAL RESOURCES SUM "Se Resources, Rebuilding Ore" İSTANBUL 02 MAY 2025‎"‎‎

Maxaa kala qabsaday Alshabaab weerar qorsheynayay iyo Macawisleyda Xawaadle.

HARARTA (DAYNIILE.COM)-Dagaal aysan fileyn ayaa maanta Alshabaab ku qabsaday deegaan ku yaal xadka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kadib markii macawisleyda Beesha Xawaadle ka dul dheceen kuwaasoo sida lagu yaqaan aanba sugin in la soo weeraro.
Alshabaab oo is diyaaris ku jirey islamarkaana qorsheynayay inay weerar soo qaadaan ayaa loogu tagay bartii ay iska soo abaabulayeen oo ah Deegaan lagu magacaabo Hararta oo u dhaxeeya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan.
Sida ay saxaafada u sheegeen Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Xawaadle waxay dagaal kula wareegeen goobtii, Alshabaab-na waxay ka dhigeen mid carara ,mid la dilo iyo mid dhaawaca.
Saraakiishu waxay intaasi ku dareem inay weerarkooda ku dileen ilaa 10 dagaalame oo Alshabaab ka tirsanaa,sidoo kale waaxay sheegeen inay soo furteen 10 qorey inkastoo aysan sharixin nuucyada qoryaha.
Howlgalka ayaa ahaa mid guuleystay sida saraakiishu sheegeen, waxayna ku fashiliyeen abaabulkii iyo qorshihii Alshabaabku is lahaayeen weerar ku qaada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 6 people

Alshabaab Saaka isku soo dhiibay Jubaland

AF-MADOW (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya deegaanada Jubaland ayaa sheegaya in dagaalame ka tirsan Alshabaab uu isku soo dhiibay Maamulkaasi.

Dagaalamahaan oo magaciisa lagu sheegay Subeyr Mustafe Layli islamarkana magaciisa afgarashaduna yahay Salmaan ayaa isku soo dhiibay ciidamada ka howlgala Degmada Afmadow ee daraawiishta jubaland.

Dagaalamahaani oo saaka isasoo dhiibay wali faah-faahin kama aysan bixin maamulka jubaland ninkaani arimihiisa, shaqada uu u hayay kooxdaasi, inta sano uu ka tirsanaa iyo halka uu kaga biirey intaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and scarf

- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS