Ciidamada Booliiska Kenya ayaa gacanta ku soo dhigay Aabe 62 jir ah oo gacantiisa ku dilay wiil isagu uu dhalay.

Aabahaan ayaa la sheegay inuu baangad ku dilay wiilkiisa oo 12 jir ahaa xili uu waliba si xun dilay markii la soo wariyay inuu madaxa dhowr mar uu kala dhacay.

Advertisement

Sida Booliisku cadeeyeen dilka wuxuu ka dhacay tuulada Kipendeni ee ku taalla deegaanka hoose Olengape ee ismaamulka Narok.

Ujeedka aabahaani u dilay wiilkiisa wali faahfaahin lagama helin balse warar ayaa tilmaamaya inay jiraan arimo qoys balse Booliiska ayaa laga sugayaa inay saxaafada la wadaagaan sababta dilka ku kaliftay aabahaani.

Si kastaba waxaa lagu wadaa in sharciga la horkeeno aabahaani dilay wiilkiisa oo waliba saqiir ahaa.

XAFIISKA WARARKA

Dayniiile.com

Previous articleMadaxweyne Xasan oo Dhuusa-mareeb ku qaabilay Safiirka Dalka Turkiga +Sawirro
Next articleWasiirada Difaaca Mareykanka iyo kenya oo heshiis iskaashi kala saxiixday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here