MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia waxaa shalay ka soo muuqday Aabe iyo eedo jir dil xun u geystay wiil 3 sano jir ah.
Aabaha dhalay wiilka iyo xaas uu qabay ayaa sida ugu naxariista daran waxay u jir dileen wiilka saqiirka ah iyadoo mida ugu yaabka badan ay tahay in kasha mooyaha ay uga garaaceen xubinkiisa taranka .
Garaacista lagu sameeyay wiilka xubinkiisa taranka waxay sababtay in wiilka koomo galo,sidoo kale waxay sababtay in malax laga soo miiro zubinkiisa taranka.
Meelaha kale ee wiilka yari dhibka ka soo gaaray waxaa ka mida madaxa, dhabarka iyo qeybo kale oo jirkiisa kamid ah iyado duudkiisa uu la madoobaaday jeedalka lagu garaaci jirey,Aabaha dhalay wiilka iyo eedada ayaa markii wax laga weydiiyay waxay isku tuur-tuureen in midba kan kale ku eedeeyo inuu isaga jirdilka ka dambeeyay.
Si kastaba Maxkamada oo maanta dhageysi ku ekeyyd waxaa lagu wadaa inay dhawaan xukun adag ku tiro aabaha dhalay saqiirka la silciiyay iyo eedada.
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM