HomeWarkiiAabe iyo wiilkiisa oo aano qabiil loogu dilay Gobolka Gal-gaduud

Aabe iyo wiilkiisa oo aano qabiil loogu dilay Gobolka Gal-gaduud

LABIKOORAALE (DAYNIILE.COM)-Aabe iyo wiilkiisa ayaa la soo sheegayaa in aano qabiil loogu dilay Deegaanka Labikooraale, oo galbeedka kaga beegan Qabalaha Garasle ee gobolka Qorraxay ee Dowlad Deegaanka Soomaalida,waliba si gaar ah halka dhibku ka dhacay ayaa ah xadka Gobolka Galgaduud iyo kilinka 5-aad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Deegaanka Labikooraale oo soo xigo dhanka Gobolka Gal-gaduud ee uusan ka tirsaneyn kilinka 5-aad.

Allaha u naxariistee Wiilka iyo aabihiis ayaa xoolo-dhaqato ahaa markaasoo ay maleeshiya beeleed soo weerareen islamarkaana goobta ku dileen iyagoo sidoo kalana dhaawacay mid kale.

Aabaha la dilay waxaa lagu magacaabi jirey Nabadoon C/laahi Maxamuud halka wiilkiisana lagu magacaabi jirey Baashe C/laahi.

Xiisada labada beelood ayaa laga wada dareemayaa Gal-gaduud iyo waliba gudaha Dowlad deegaanka Itoobiya iyadoo laba reer ee Soomaaliyeed-ba ay isla degaan Gobolka Galgaduud gaar ahaan xadka ay wadaagaan Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,sidoo kala gudaha Gobolka iyo kilinka 5-aad way isla degaan labada beelood.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -