HomeWarkiiAabe laba caruurtiisa ah ku dilay Dalka Canada oo Maxkmad la soo...

Aabe laba caruurtiisa ah ku dilay Dalka Canada oo Maxkmad la soo taagay

CALGARY (DAYNIILE.COM)-Waxaa Magaalada Calgary ee Dalka Canada Maxkamad la soo taagay Aabe dilay Wiil iyo Gabar uu dhalay kuwaasoo meydkooda laga helay gaari dhexdiis, acwad dil darajada koowaad ah ayaana lagu soo oogay.

Maalinimadii Khamiistii ayaa la helay meydadka caruurta ,wiilka wuxuu ahaa 5 jir halka gabadhu ahayd 3 jir,booliiska ayaana wada baaritaano dheeraad ah,xili jimcihii markii ugu horeysay uu maxkamada ka soo muuqday gacan ku dhiiglaha oo 37 jir ah.

Bilowga dhageysiga dacwada Maxkamada ayaa qaadatay go’aan ay ku joojisay in warbaahinta loo gudbiyo magacyada aabaha iyo caruurtiisa uu dilayba.

Eedeysanaha caruurtiisa dilay ayaa qirtay si caad ah isagoona gacantiisa ku wacay Booliiska Khamiistii una sheegay inuu laba caruurtiisa ah dilay ,wuxuu intaasi ku sii daray inuu booliiska u sheego halka uu joogo islamarkaana meydadka caruurtana ay ka heli karaan,markaas kadib Booliiska ayaa soo qabtay eedeysanaha sidoo kale gaari banaanka guriga yiilayna ka helay meydadka caruurta.

Dhacdadaan ayaa ahayd mid dadka  deegaanka aad uga naxeen marka la eego in Aaabe dilo caruurtiisa si arxan daro ah ,mana aha markii ugu horeysay oo aabe ama hooyo dilaan caruutrtooda gaar ahaan dadka aan muslimka ahayn ee gaalada ah ayay aad ugu badan tahay dhacdooyinkaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -