GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in duleedka Magaaladaasi ay ka dhacday dhacdo murugo leh.
Aabe lagu magacaabo Dirir_Dhabbaake ayaa la soo sheegayaa inuu gacantiisa ku dilay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Axmed Dirir-Dhabbaake Ciise kabageele.
Khilaaf iyo muran soo kala dhexgalay ayaa la sheegay inuu sababay in ugu dambeyn aabuhu nafta dhaafiyo wiilkiisa,wali hay’adaha amniga Puntland war kama soo saarin.
Maaha markii ugu horeysay oo dad is dhalay iyo kuwo isu dhaxay ay isku dilaan Somalia gaar ahaana deegaanada Puntland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
