MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Nin  ayaa xalay dab qabad-siiyay qoyskiisa oo ku nool Degmada Dharkenleey ee Magaalada Muqdisho.

Wararka aan helyleyno ayaa sheegaya inuu basiin ku shubay guriga kadibna uu dab ku qabtay xili ay ku jirtay xaaskiisa iyo wiil yar ay dhashay.

Advertisement

Inkastoo wax dhimasho ah uusan sasabin hadana waxaa dhaawacmay xaaskiisa oo uur lix bil leh iyo cunugeeda kuwaasoo goobaha caafimaad la gaarsiiyay.

Faahfaahin lagama hayo waxa ku kalifay laakiin ninkii goobta wuu ka baxsaday markii uu falkaasi ku dhaqaaqay.

Afhayeenka Booliiska Somalia Sadiiq Doodishe oo dhacdadaan ka hadlay ayaa xaqiijiyay dhaawaca qoyska soo gaaray,wuxuu xusey inuu baxsaday aabaha  balse ay sharciga hor keeni doonaan.

Sidoo kale Hooyada la gubay aabaheed ayaa sheegay in qoyska uu ka dhashay ninka dhibka gaystay ay u eg yihiin dad awood sheeganaya madaama sida uu sheegay ay qariyeen ninkii dhibaatada gaystay.

“Waxay leeyihiin nala xaajooda ninkiina ma rabaan inay sharciga hor keenaan”ayuu yiri Aabahaasi dhalay haweeneyda uurka leh ee u dhaxday ninka mushkiladaam ka danbeeya.

Si kastaba haweeneydaam la gubay ninkeedii hore oo dhantay ayay u dhashay lix caruur ah oo uu ku jiro midka la dhaawacmay iyada, waxayna wada yaalaan Isbitaalka Digfeer.haweeneyda waxaa laga daweynayaa oo ay ka gubatay qaarka Kore.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleHowlgal kale oo laga fuliyay Gal-hareeri
Next articleQM oo war ka soo saartay xaalad khatar ah oo ka taagan Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here