Duqeymaha joogtada noqday ee Diyaaradaha Dagaalka Kenya ka wadaan Gobolka Geddo ayaa lagu eedeeyay inay masuul ka yihiin siyaasiyiin Soomaali-Kenyanka ah.

Col.Aadan oo ah falanqeeye dhanka Amniga ah oo u waramayay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in duqeymahaani oo shacabkii lagu xasuuqay ay masuul ka yihiin Wasiirka Gaashandhiga Xildhibaan Aadan Barre Ducaale iyo Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji.

Advertisement

“diyaaradahaan duqeymaha wada waxaa soo amray Aadan Barre Ducaale iyo Nuuradiin Xaaji, mar kastana waxay sababaan dhimashada hooyooyin iyo caruur”ayuu yiri Col Aadan

Mar uu  faahfaahinaayay dhibaatooyinka lagu qabo diyaaaradahan ayuu sheegay Col.Aadan in  galabtii wixii ka danbeeya reer Geddo ay ku adagtaay inay wax iftiina adeegsadaan cabsi laga qabo diyaaradaha kenya.

“waxay beegsanayaan dhamaan imkaaniyaadka bulshada sida,guryaha, Iskuulada,masaajida,isbitaalada,asuuqyada iyo goobaha kale”ayuu yiri Col.Aadan

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSoomaalida ku nool Nayroobi oo laga mamnuucay isticmaalka iyo u dabaal degida calamada Qabiilada
Next articleTaliska Booliiska Xamar oo ka hadlay howlgaladooda +Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here