NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wasiir Caafimaadka Aadan Barre Ducaale ayaa markii ugu horeysay si adag uga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalmihii ugu danbeeyay lagu arkayay baraha bulshada kuwaasoo muuqaalo isaga duubaayay laamiyada waa weyn ee Magaalada Nairobi xili mararka qaar ay isku dhigayaan gawaarida.
Wsiirka markaan wuxuu si cad u sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed isagoo si toosna ah u sheegay inay Muqdisho ka yimaadeen.
Aadan Barre Ducaale wuxuu xusay in ka dowlad Kenya ahaan aysan aqbali doonin dhaqamada ay Soomaalidu ka wadaan laamiyada Nairobi islamarkaana ay iska qaban doonaan iyagoo amarna siinaya hay’adaha amaanka.
” dowladda Kenya tallaabo sharci ah ayay ka qaadi doontaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee waddoyinka kaamirooyinka la taagan” ayuu yiri Wasiir Aadan Ducaale
Dhanka kale Wasiirka wuxuu carabka ku adkeeyay in dhaqamada dhalinyaradaan Soomaaliyeed ay ka hor imaaneyso sumcada wanaagsan ee Islaamka, isla markaana ay qalad ka galayaan dadka aan Muslimka ahayn .
Wasiirka Aadan Ducaale waa markii labaad oo uu arintaan ka hadlo balse markii koowaad si degan ayuu uga hadlay isagoona ku gaabsaday baaq ahaa inay Somalidu laamiyada ka tagaan oo ay sawirada la aadaan darjiinooyinka loogu talo galay in lagu nasto laguna dalxiiso.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
