NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Aadan Barre Ducaale “Waan ognahay in Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya uu tuugo badan u soo direy Islii si ay boobaan hantida Soomaalida
Wasiirka Caafimaadka ee Dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka dhawaajiyay inay ka war hayaan in Madaxweyihii uu soo abaabulay tuugo maanta dhacda ganacsiga Soomaalida ee Xaafada Islii Nairobi.
“dowladda Kenya ay diyaar u ah inay difaacdo hantida Soomaalida iyo waliba Kenyaan-ka”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.
Mar uu ka hadlayay halka tuugada laga soo abaabulayo ayuu Aadan Barre Ducaalle xusay in laga soo  abaabulayo xaafadaha isku raranka ah sida Githurai iyo Embakasi.
vvvvvvvvvvvvv
Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya, ayaa sheegay inuu ka warqabo in Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya uu diyaarinayo kumannaan tuugo ah, kuwaasoo uu rabo inay weerar kusoo qaadaan xaafadda Islii maalinta berri ah.
Aadan Barre ayaa sheegay in tuugadaas laga soo abaabulayo xaafadaha isku raranka ah sida Githurai iyo Embakasi.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay difaacdo hantida Soomaalida iyo shacabka kale ee Kenyan-ka ah.
Dhanka kale xildhibaanka hoose ee xaafadda Islii, Axmedkadar Dabar, ayaa Soomaalida ugu baaqay inay diyaar u noqdaan difaaca xaafada Islii iyo hantidooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
