Nairobi (dayniiile.com)-Dowlada Kenya ayaa si adag kaga hadashay weerarada Alshabaab ee ka dhaca Dhulka Soomaalida ee Kenyaanku maamulo sida Mandhera iyo Gaarisa.

Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Kenya Aadan Barre Ducaalle ayaa sheegay in Al-shabaab awood u lahayn inay Kenya weerar ka fuliyaan hadii aysan jirin dad deegaanka ku sugan oo la shaqeeya Alshabaab.

Advertisement

Wasiir Ducaalle ayaa ugu goodiyay ismaamulada Soomaalida sida Wajeer,Gaarisa iyo Mandheera hadii weerar danbe uu ka yimaado Alshabaab.

“Alshabaab hada kadib weerarkeey soo qaadaan waxaa masuuliyada qaadaya ismaamulada Soomaalida”  ayuu yiri Wasiir  Adan Barre Ducaaalle

Wasiirrkaan oo ah Somali Kenyaan ayaa kuv adkeeyay masuuliyiinta iyo Shacabka waqooyi Bari Kenya inay wada shaqeyn joogta ah la yeeshaan hay’adaha amniga.

“Sida kaliya looga hortagi karo Alshabaab waa in shacabku la shaqeeyo Hay’adaha Amniga maxaa yeelay waxba ma sameyn karaan hadii aaney garab ka haleyn dadka ku dhaqan Gobolada Waqooyi bari”ayuu mar kale yiri Wasiir Ducaale.

Dhanka kale wuxuu xusay in Madaxweynaba Kenya uu imaanayo goboladaan dhamaadka sanadkaan islamarkaana qorshuhu yahay in mashaariic laga fuliyo dhulka Soomaalida Kenya.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here