HomeWarkiiAadan Koofi "Haddii dowladnimada iyo sharciga la baalmaro, raggu waa siman yahey...

Aadan Koofi “Haddii dowladnimada iyo sharciga la baalmaro, raggu waa siman yahey ee taa hala ogaado”

Ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia ayaa galabta tagay guriga xog-hayaha Samatabixinta Mucaradka Mr.Koofi Adan ahna musharax Madaxweynaha Galmudug.

Ciidanada waxaa la sheegay inay ku amreen siyaasiga inuu baneeyo guruga taaso uu aad uga carooday,wuxuuna soo saaray qoraal uu soo dhigay Facebook.

Qoraalka siyaasigaan Koofi Adan  ayaa sidan u qornaa:–

Galabta, abaare 4:00pm, waxaa gurigeyga sifo sharci darro ah oo daandaansi leh ku yimid ciidamo sheegey in ay ka socdaan gobolka, waxayna amreen in aan ka guuro xaafadda.

Aniga oo weli ixtiraamaya amniga iyo dowladnimada, waxaan ku dadaalay in aan wax dhib ah ka dhicin goobta, waxaana ku wargeliyey in ay shirciyad la yimaadaan, kuna laabtaan ciddii soo dirtey.

Hore ayaan u helayey fariimo digniin ah, kuwaas sheegayey in uu jiro qorshe lagu beegsanayo xubnaha Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed, iyo guud ahaan mucaaradka ka aragtida duwan madaxda dowladda, waxaanse garan waayey sababta dowlad kasta ay Maxamed Madarkicis uga bilaawdo howlgalkeeda.

Haddii dowladnimada iyo sharciga la baalmaro, raggu waa siman yahey ee taa hala ogaado.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -