Ma moodaa in labada Gudoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya Aadan Madoobe iyo Puntland C/rashiid Yuusuf ay bishaan  ajandayaal oo isku qaab eg wada wajaheen inkastoo C/rashiid is xaliyay markii danbe.

Madaxweyne Saciid Dani ayaa u direy Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf inuu hormuud ka noqdo meel marinta ajande si gaar ah uu u wato kaasoo ah ansixinta xeerka doorashooyinka puntland ee qof iyo cod.

Advertisement

Mucaaradka Puntland ayaa cagta mariyay islamarkaana hor is taagay in baarlamaanka xitaa laga doodo in la meel mariyo iska daaye taasoo ugu danbeyn keentay in mucaaradku  shacabka garab ka helaan sidaasna uu ku dhicisoobay mooshinkii Saciid Dani.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf ayaa markuu arkay xaalada kacsan ee Garowe iyo dagaalka qarka loo saaran yahay, lagu sii daray mar xildhibaanadu isku yimaadeen buuqii ka dhashay ayuu mar kaliya badalay siyaasadiisa islamarkaana si toos ah ayuu ugu deyriyay Madaxweynaha Puntand Saciid Dani isagoo u sheegay inay adag tahay meel marinta xeerka doorashooyinka.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa isna ajande u qaab eg kii Puntland wuxuu isna u dhiibay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe kaasoo ah meel marinta wax ka badalka Dastuurka kaasoo isna ay Mucaaradka dowlada sheegeen inuu yahay qorshe isaga kaliya u daneynaya, uuna rabo qorshe awoodaha Dowladnimo guud ahaan uu kula wareego sida Ra’iisulwasaaraha iyo baalamaanka.

Hadaba waxaa is weydiin mudan Gudoomiyaha Baarlamaanka Aada Madoobe isna ma u deyrin doonaa Xasan Sheekh mise wuu meel marin doonaa xili caqabadii heysatay gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland mid ka balaaran ay heysato maxaa yeelay Mucaaradka waxaa u sii dheer ajandaha arinta Roobabka oo mar marsiyo weyn u noqon karta mucaaradka.

Gudoomiye Aadan Madoobe inkastoo caqabad weyn ay ku hor gudban tahay hadana wuxuu kaga duwan yahay tan Puntland xiligiisa maaha mid kala guur ah sida puntland ka taagan oo kale taasoo fursad u ah Madaxweyne Xasan Sheekh maxaa yeelay mucaaradku wuxuu awoodeystaa marka waqtigu kala guur yahay.

Si kastaba Aadan Madoobe oo ah siyaasi qibrad u leh xilkaan oo hore u soo qabtay waqtiguna uu saacadiyo waxay u badan tahay inuu meel mariyo qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhanka kalana waqti fican ku jira madaama inta yar uu joogo uu guulo siyaasadeed gaaray,shacabkuna isaga dhankiisa u badan yihiin.

=WAXAA QOREY WARIYE SUUQ MA-QAATE=

Previous articleGegida dayaaradaha Aden Cabdulle waxay u baahan tahay in sida loo dhaamo.
Next articleShirkada Kenya Airweys oo mar kale Muqdisho ka howl bilaabeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here