MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Adan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa munaasabadii afurka ahayd ee Xeebta Liido ka dhacday wuxuu ka dhawaajiyay ereyo caawa qabsaday Warbaahinta iyo Baraha Bulshada.
Gudoomiye Aadan Madoobe wuxuu ku dhawaaqay in Baarlamaanka Somalia uu sii shaqeyn doono ilaa May 2027 sida uu qabo Dastuurka hada la dhameyatiray taasoo loo fasiran karo in Dowladu sameysatay mudo kororsi hal sano ah.
Gudoomiyaha wuxuu ku sii xijiyay in sidoo kale Hay’adaha Dastuuriga iyagauna Baarlamaanka la mid yihiin oo ay sii shaqeyn doonaan ilaa May 2027, Kaliya Gudoomiyaha waxaa ka dhimaneyd inuu si toos ah u shaaciyo walow ansixin baarlamaan ay harsan tahay.
Hadii Baarlamaanku gaari karo 2027 dabcan Dowlada inteeda kalana way isku xiran yihiin waana mida Shakiga keentay,sidoo kale dastuurka wax ka badalka lagu sameeyay wuxuuba dhigayaa muda xileedka Madaxweynaha inuu yahay 5 sano taasoo iyadana halka muujineysa musa kororaiga Madaxtooyadu dooneyso.
Warbaahinta inkastoo hore usii saadaaliyeen in Dastuurka wax ka badalka lagu sameeyayba ujeedadiisu tahay in Madaxweyne Xasan doonayo inuu mudo kororsi aameysto walow mucaaradku aad u diidan yihiin.
Hadaba halkaan ka daawo hadalada Gudoomiye Adan Madoobe:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA DAYNIILE.COM
