HomeWarkiiAadan Madoobe oo fariin u direy ciidamada Laftagareen

Aadan Madoobe oo fariin u direy ciidamada Laftagareen

BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koofurgaleed Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu danbeyn shalay la caleema saaray iyadoo mada kala duwana ka soo qeybgaleen ayaa durba bilaabay inuu nabadeyn ka dhex bilaabo dadka uu xukumo.

Aadan Madoobe wuxuu fariin nabadeed u direy ciidamada C/casiis Laftagareen ee mararka qaar dagaalada ka soo qaada duleedka Baydhaba,wuxuu ugu baaqay in wax kasta oo la isku hayo han nabadeed lagu wajaho islamarkaana meesha laga saaro  dagaal laga dhex abaabulo dadka reer Koofurgalbeed dhexdooda.

“dhalinyarada hubeysan ee banaanka laga abaabulayo waxaana leeyahay yaan wax aan jirin yaan la idin ku mashquulin oo sheydaan idin kaxeysan” ayuu yiri Aadan Madoobe

Baaqa nabadeed ee ka soo baxay Hogaamiyaha ugu sareeya Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed ayaa ku soo aadaya xili shalay caleema saarka uu kaga dhawaaqay inuusan isagu alshabaab gadaal ka ka mareyn balse uu ka shaqeyn doono inuu amniga iyo horumarka deegaanada Koofurgalbeed.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -