Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta soo xiray kulankii khudbad jeedinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha ayaa la dardaarmay Xildhibaanada.

Ugu horeyntii Guddoomiey Aadan Madoobe ayaa u mahad celiyay Xildhibaannada labada aqal iyo Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha.

Waxaa u sheegay in labada maalmood ee inagu soo aadan la guda geli doono diyaar-garoowga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaceeysa maalinta Axada ee ku beegan 15-ka bishaan May.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Xildhibaannada inay ilaaliyaan waqtiga ballanta ee la isugu imaanayo doorashada madaxweynaha, xili maalmihii dambe ay muuqaneysay inay si weyn uga dib dhacayeen hadal jeedinta doorashada.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay inay u dul qaataan waqtiga yar ee ka haray culeyska heysta, kaasi oo ku eeg sida lagu wado maalinta Axad oo ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imanaya ayada oo lagu jiro diyaar-garowgii u dambeeyay ee doorashada madxweynaha, islamarkaana ay magaalada Muqdisho ka socdaan ololaha musharaxiinta iyo kala jiidashada Xildhibaanada labada aqal.

.Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here