Roobabkii isdaba jooga ahaa ayaa wali dalka iyo dariskaba ka socda xili khasaare haniyeed iyo mid nafeedba uu geysanayo inkastoo uu aad u yaryahay khasaaraha nafeed.

Magaalada Ceelwaaq dhanka Kenya mamusho ayaa laga soo sheegayaa inay afar ruux ugu geeriyoodeen kadib daadad ka dhashay roobabka Sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye.

Advertisement

Roob gaystay khasaare nafeed way iska cadahay in khasaaraha hantiyadeedna uusan yareyn, iyadoo ay u nugul yihiin xaaladahaas oo kale dadka marasta sida caruurta ,haweenka iyo waayeelka.

Ma jirto gurmad muuqda oo ay sameeynayaan maamulada halkasi ka dhaw sida Mandhera oo kale waxaase jirta in marar badan shacabka looga digay inay ka dheeraadaan meelaha biya mareenada ah ama ka dhaw wabiyada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMaamulka Degmada Hodan oo xalay sameeyay Howlgal muhiim ahaa
Next articleMaleeshiyaad ka qeyb qaatay dagaal Beeleedkii Caddalle oo gacanta lagu soo dhigay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here