HomeWarkiiAbaabul dagaal oo ka socda duleedka Deegaanka Tardo

Abaabul dagaal oo ka socda duleedka Deegaanka Tardo

JALALAQSI (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegya in halkaasi uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Alshabaab kadib markii shalay ay qabsadeen deegaanka Tardo oo hore ugu jirtay gacanta macawisleyda.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa Magaalada Jalalaqsi waxay ka wadaan abaabul dagaal si ay dib Alshabaab uga saaraan deegaanka Tardo oo aad ugu dhaw Magaalada Jalalaqsi.

Tuulo ku dhaw deegaanka Tardo ayaa la soo sheegayaa inay ciidamada Dowlada iyo kuwa qabiilku isku diyaarinayaan iyagoo doonaya inay weeraraan Alshabaabka xalay uun ku hoyday deegaanka Tardo oo hore ugu jiray gacanta Dowlada Somalia .

Lama yaqaan waxa soo dedejinaya in xiligaan alshabaab qabsanayaan deegaano hiiraan ka tirsan oo sanado ka hor laga xoreeyay,waxaana warar kale sheegayaan in hada Alshabaabku qorsheynayaan inay deegaano kale oo hor leh qabsadaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -