Bariga Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waxaa ka socda abaabulo xoogan iyo isu diyaarin guluf dagaal oo lagu qaadayo kooxda Alshabaab oo dhulal badan ka qabsaday goboladaasi.
Bariga Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa lagu diyaariyay ciidamadii ugu badnaa oo u badan kuwa xooga dalka iyagoo doonaya inay dib Alshabab uga saaraan Degmada Aadan Yabaal iyo deegaano uu ka mid yahay Al-kowthar iyo Ceel-baraf.
Saraakiil Milateri oo heyb ahaan ka soo jeeda Shabeelaha dhexe ayaa kulamo dhowr ah oo dhira gelin ah waxay la qaateen macawisleyda gobolkaaasi oo aad u hubeysan isamarkaana diyaarna u ah inay weeraro ku qaadaan .
Sidoo kale Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo ay wadaan reer Hiiraan kuwaasoo doonaya inay dib Alshabaab uga saaraan Degmada Moqokori oo maalmo ka hior ay xoog ku qabsadeen kooxda Alshabaab kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay kaasoo ay qaraxyo ku bilabeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
