Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan Mahadcelin ah u sameeyay Cayaartoyda, Macalimiinta iyo Maamulka Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir ee ka qeyb galay Cayaaraha Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada dalka.

Duqa Muqdisho ayaa Bilado, Shahaado Sharaf iyo Lacago guddoonsiiyay Cayaartoyda, Macalimiinta, Maamulka iyo Taageerayaasha. Waxa uuna kaga mahadceliyay dadaalka iyo cayaar wanaaga ay muujiyeen inta uu socday Tartanka Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Advertisement

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda G/Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal Guud, Agaasime waaxeedyo, Guddiyadda Isboortiga iyo Haweenka Gobolka Banaadir, Taageerayaal iyo marti sharaf kale.

—DHAMAAD—

https://usercontent.one/wp/www.dayniiile.com/wp-content/uploads/2024/02/FB_IMG_1706877217677.jpg?media=1709898073

Previous articleDowlada Somalia oo Dalka ka mamnuucday Bacaha fudud
Next articleQarax ka shacay Magaalada Baraawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here