Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay qarax shalay Gobolka Geddo l lagula eegtay ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Qaraxaan oo ka dhacay inta u dhexeysa Dooloow iyo Luuq ayaa waxaa lala eegtay gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka xili ay ku jireen howlgal ka dhan ah Alshabaab.

Advertisement

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerarkaasi ayaa sheegaya in dhimashada ay mareyso 11 ruux halka dhaawucuna yahay sedex ruux.

Wararka waxay intaasi ku darayan in askarta dhaawaca uu ku jiro abaanduulaha guutada 10-aad ee qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Rashiid Bohol.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDuqa Muqdisho oo Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka kula hadlay Gobolka Sh.dhexe
Next articleXildhibaano Aqalka sare ka tirsan oo booqday xarunta dhigooda Kenya+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here