Weerar ay isla qaadeen Ciidamada Milatariga Gor-Gor ,daraawiishta galmudug iyo kuwa deegaanka ayay alshabaab kaga saareen fariisin ay ku lahaayeen meel ku dhaw deegaanka Shabeelood ee Gobolka Mudug.
Fariisinka Alshabaab laga saaray wuxuu ku yaalaa buurta Babad oo koonfur ka xigta deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug.
Howlgalkaan waxaa hogaaminayay Abaanduulaha guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug,wuxuuna sheegay inay goobta ugu tageen god dad meydad ah la isugu geeyay.
“waxaan ku aragnay god weyn oo ay ku jiraan lafo,sidoo kale waxaan ugu tagnay taliskii Caafimaadka ee Khawaarijta”ayuu yiri Abaanduuliyaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ugu tageen dhufeysyadoodii mudo ay ku sugnaayeen,godad ilaa buurta dabadeeda danbe ay isaga baxaan iyo baraakado biyo ay meesha ku dhisteen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 6 peopleMay be an image of 10 people and textNo photo description available.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person and tree
Previous articleMadaxweyne Xasan oo ka hadlay dilka uu gaystay wiilkiisa
Next articleAskari Kenyaan ah oo 4 shacaba ku toogtay Nakuru

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here