HomeWarkiiAbaan-duuliye ka tirsanaa Milateriga Somalia oo qarax miino lagu dilay

Abaan-duuliye ka tirsanaa Milateriga Somalia oo qarax miino lagu dilay

AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Wararka aan  goor dhaw heleyno ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay Abaanduule Maxamud Saleeban oo ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka Somalia.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in abaanduuliyaha qaraxa miino loo geliyay joodariga uu ku seexdo kadibna markii uu seexday qaraxu sidaa ku haleelay rabi ha u naxariistee.
Falkaan ayaa ka dhacay xero ciidan oo ku taala degmada Afgooye,waxaana durba saraakiisha ciidamada ay bilaabeen baaritaano madaama shirqoolkaani uu yahay mid gudaha xerada laa abaabulay waliba dadka ku dhaw dhaw sarkaalkaasi la dilay Allaha u naxariistee.
Sarkaalkaan oo ka soo jeeda heyb ahaan Beesha Gaal-jacel ayaa ka mid ahaa saraakiisha kuwa ugu firfircoon islamarkaana geesiyaasha ahaa balse ugu dambeyn waxaa dilkiisa loo adeegsaday kuwa isaga ugu dhaw dhaw.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 6 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -