Abaanduule katirsan milatariga Soomaaliya oo lagu dilay dagaal culus oo saakay dhacay

0

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Daynuunay ee kuyaala duleedka magaalada Baydhabo.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan uu dhax maray ciidanka milatariga iyo dagaalyahanada Al Shabaab oo saldhiga dhoor jiho kasoo weeraray.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaana la sheegay in subaxii hore la wareegeen saldhiga ciidanka milatariga ku sugnaayeen, hasa ahaatee Al Shabaab ayaana saldhigaasi isaga baxay markii ciidamo gurmad ah deegaanka soo gaareen.

Inta la xaqiijiyay shan askari oo katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya uu ku jiro Abaanduulaha Guutada 60-aad ee Ciidamada Xooga Maxamed Isxaaq, ayaa dagaalka ku dhintay halka tiro kalaa ku dhaawacmeen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in dagaalka uu kasoo gaaray khasaaro inkasta oon la ogeyn inta ay la egtahay, waxaana dadka deegaanka ku warameen in Al Shabaab saldhiga ka qaateen hub iyo gaadiid.

Xaalada deegaanka Daynuunay ayaana hada ah mid degan, waxaana deegaankaasi dib ugu laabtay ciidanka milatariga Soomaaliya oo saakay mudo kooban Al Shabaab dagaal xoogan kula wareegeen.

Saldhiga ciidanka milatariga ku leeyihiin deegaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa marar badan Al Shabaab ku qaadeen weeraro xoogan oo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here