Degaanno ka tirsan degmada Wanlaweyn ee gobolka shaabeelada Hoose ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto  Abaar daran oo sameeysay dadka iyo duunyada ku nool Tuulooyin hoostaga   degmada Wanlaweyn .

Boqolaal qoys oo ku dhaqan degaannada Abaarta ay ka jirto ee degmada Wanlaweyn ayaa waxaa la soo darastay Xaalad Adag oo dhinaca nolasha ah, waxana qoysaska qaarkood ay isaga soo tageen degaannadii ay ku noolaayeen biyo la’aan iyo cuno yari darteed .

Advertisement

Shacabka ku nool degaannada Abaarta ay ka jirto ee demmada Wanlaweyn ayaa sheegay in Fuustada  biyaha la iibiniyo $ 2 doollar una dhiganta 52 kun oo lacagta shilin Soomaali,  Waxana ay ugu baaqeen Dawlada Federaalka iyo Hay’adaha gargaarka bixiya in ay usoo gurmadaan.

Hase ‘ ahaatee’ Abaarta ka jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose ayaa ku so aadeysa xilli Hay’adaaha gargaarka ee Qaramada midoobay ay ka digeen saameynta ay yeelan karto Abaarta ka jirta Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya .