Wararka ka imaanaya  Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga soo sheegayaa abaar daran oo saameyn xun ku yeelatay dadka xoolo-dhaqatada ah ee gobolkaasi ku nool.

Xoolaleyda ayaa bilaabay in ay u hayaamaan gobollada Jubada hoose, Jubbada dhexe iyo Shabeellaha hoose, si iyaga iyo duunyadooduba ay biyo iyo baad ay halkaasi uga helaan.

Sidoo kale abaartan xoogan ayaa ku soo aadaysa xili ismari waa xoogan uu u dhaxeeyo dowlada Dhexe ee Somaliya iyo maamulka Jubbaland oo uu wakiil yahay axmed madoobe, waxayna isku fahmi la yihiin hanaanka loo marayo doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacaan bilaha soo socda.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here