Murashax Madaxawyne Abdikarim Hussein Guled ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka gaar ahaan midkii caasimadda bilihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay iney si weyn usoo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisadaha ah.

Guled ayaa ka tacsiyeyay dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay, waxaana uu carrabka ku dhuftay in madaxda iyo saraakiishii amnigu ku mashquuleyn arrimaha siyaasadda iyo doorashada, taasna ay sabab u tahay dayaca amni ee soo kordhay.

“Dowladda Federaalka ah waxaan usoo jeedineynaa iney dib ugu celiso saarkiisha amniga shaqadooda si ay uga hortagaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.

Waxaa lagu jiraa xilli doorasho, Waa waqti muhiim u ah dalka iyo dadka, Waxa suurtagal ah iney cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waa weyn, oo u baahan in laga hortago, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha doorashadda, gacanta kalana cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta.

Murashax Abdikarim Guled ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka reer Muqdisho iney si miir-qableh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here