Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shacabka gudaha & Kuwa dibadda ku maqan ka dalbaday in la garab istaago Xukuumaddiisa oo wajaheysa culeys ciidan oo TPLF saartay iyo mid siyaasadeed oo dalal dhowr ah uga imaanaya.

Abiy Ahmed ayaa xalka keliya ee looga gudbi karo Caqabadaha ka taagan Itoobiya ku sheegay in “Midnimo ay muujiyaan Muwaadiniinta jecel Dowladdooda & in uu dalkooda ka badbaado dhibaatooyin halis ah” sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa si joogta ah qoraallo intooda badan uu ku dalbanayo in lagu garab istaago Xukuumadiisa soo dhiga Barahiisa Xiriirka Bulshada inkasta oo dhawaan Facebook ay ka saartay qoraal uu soo geliyay balse shirkaddu ku dooday in uu baarmaray shuruucdeeda.

 

Culeyska ugu weyn waxaa ku haya Xoogagga TPLF oo hoggaankooda sheegay in ay tallaabooyin u qaadeen damacooda ah gacan ku dhigista Magaalada Addis Ababa oo ah Caasimadda Itoobiya inkasta oo uu warkaas been abuur ku tilmaamay RW Abiy Ahmed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here