ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed madaxda ka qeybgeleysa shirka Cimilada Afrriak qaarkood wuxuu ku casuumay dood ku saabsan u guurista awooda dabiiciga ah ee afrika xili doodaani ay ka baxsan tahay shirka Afrika.
Madaxda Dooda lagu casuumay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo kuwo kale iyadoo lagu wado nuu sidoo kale ku casuumo dabaal dega Itoobiya ee daah-furka biya xireenka wabiga Niil taasoo dhaceysa beri oo 9-ka bishaan ah.
Dowlada Itoobiya inkastoo ay marti gelinayaan shirka cimilada Afrika madaama ay Adis-ababa tahay xarunta Midowga Afrika hadana waxay berri u dabaal-dagayaan himilo ay sugeyeen 100-kii sanno ee lasoo dhaafay taasoo ah inay biya xireen sameystaan kadibna koronto ka dhaliyaan.
Madaxweyne Xassan oo saaxiib dhaw la ah dalka Masar ayaan wali la ogeyn inuu ka qeybgeli doono xaflada beri Itoobiya ku daah-fureyso biya-xireenka oo ay Masar raali ka ahayn, warar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uusa xaflada si rasmi ah uga qebgeli doonin madaama masar uu xulufo dhaw la yahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


