ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Dowlada Itoobiya Abiy Axmed ayaa qodobeeyay sababaha dalkiisa ka hor taagan inuu horumar sameeyo.
Abiy Axmed wuxuu sheegay in sababaha dalkiisa di u dhigay inay ka mid tahay wax soo saar weyn ama mid muuqda oo aan dalkiisa ka jirin xili waliba dalkaasi lagu tiriyo inay caan ku yihiin dhanka beeraha marka la eego taariikhda dalkaasi.
Qodob kale ayuu ku sheegay saboolnimo ay dadkiisu ka dhaxleen jiilashii hore ,sidoo kale qodob kale ayuu ku sheegay Dowladihii dalka soo maray ama hay’ado kuwaasoo aan adeeg bixintoodu tayo lahayn sidoo kale la isku haleyn karin.
Ra’iisulwasaare Abiy oo laftigiisu 7 sano xukunka isagu heysto ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha dalkiisa dib u dhigay inay ka mid tahay adeeg xumo weyn oo baahsan oo Itoobiya oodhan ka jirta.
Abiy Axmed ayaa ugu dambeyn shaaciyay in xalinta mushkiladahaasi ay adag tahay xiligaan isagoona shuruud uga dhigay in marka hore la xal loo helo ragtiyaha qaldan ee dalka ka jira islamarkaana la mideeyo aragtida saxda ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM