HomeWarkiiAbiy Axmed oo sheegay in ay dhawaan Badda Cas gaadhi doonaan

Abiy Axmed oo sheegay in ay dhawaan Badda Cas gaadhi doonaan

=XIGASHO BBC SOMALI=

Itoobiya ayaa ku celcelisay hadalkeeda ku saabsan doonisteeda badda

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay telefishinka qaranka Itoobbiya ee ETV oo la baahiyey 1-da Sebteembar ku sheegay in “khaladkii” Itoobiya ka gashay ka tanaasulka dekedda Casab ee Eritrea “la sixi doono berri.”

Dadaalka Itoobiya ee ku aaddan inay hesho marin Badda Cas ayaa kiciyay xiisad cusub oo kala dhexeysa Eritrea, taas oo ay madaxda Eretria hore ugu tilmaameen qorshahan “ajende sun ah oo dhul sheegasho ah.”

“Muddo kun sano ah, ma aannaan awoodin inaan ka faa’iideysanno Webiga Nile, oo aynu ka helno adeegyada ay ahayd in uu bixiyo. Sida oo kale, waxaan joognay Badda Cas ilaa 30 sano ka hor. Joogitaankaas wuxuu ahaa taariikh dhaw oo shalay ahayd.”

“Khaladkii shalay la sameeyay, berrina waa la sixi doonaa, mana aha wax adag,” ayuu ku yidhi Abiy wareysigaas oo laga qaaday xilli uu fadhiyo goob qurux badan oo u dhaw biyo-xidheenka Nile.

Hadallada Abiy ayaa imaanaya maalmo kadib markii madaxa diblomaasiyadda ciidanka Itoobiya, Jeneraalka Sare Teshome Gemechu, uu ku sheegay dekedda Assab ee Eritrea inay tahay “ujeeddo qaran” oo lagu hadal hayo gudaha dowladda. Hadallada ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa inay sii kiciso xiisaddii kala dhaxaysay Eritrea.

Abiy wuxuu sheegay in Itoobiya ay dhisi doonto mashaariic waaweyn oo la mid ah, Sida mashruuca Biyoxidheenka sannadaha soo socda ee shanta, tobanka sano ee soo aadan.

“Hadda oo aan aragnay inaan bilaabi karno oo dhamaystiri karno mashaariic sida Gerd, waxa aan si kalsooni leh idiinku sheegayaa waa inaan bilaabi doono mashaariic waaweyn oo kale shanta, tobanka ama shan iyo tobanka sano ee soo socda. Haddii aan tan dhisi karno, isagoo tilmaamaya Mahshruuca Biyo Xidheenka Webiga, maxaan qaban kari waayeynaa?”

Biyo-xidheenkaas, oo noqon doona warshad korontada-dhalisa ee ugu weyn Afrika, ayaa awood u leh inuu soo saaro in ka badan 5,000 megawatt oo koronto ah.

Waxayna taasi keentay xiisad Itoobiya kala dhexaysa Masar in ay sii laba kacdo xilli Masar ka walaacsan tahay in saamigeeda biyaha Nile uu saameyn ku yeesho, biyo xidheenkaasi.

14 sano ka hor, xilligii uu Ra’iisul Wasaare ahaa Meles Zenawi ayuu si rasmi ah u dhagaxa dhigay bilowgii mashruuca Itoobiya ay kaga dhisayso Webiga weyn ee Nile, taaso o calaamad u ahayd bilowgii dhismaha biyo-xidheenka ugu weyn Afrika iyo dunidaba.

Ra’iisul Wasaare Abiy, waxa uu xusay in tirada dalxiisayaasha booqday Itoobiya bishii Jualay iyo Agoosto labadii sano ee la soo dhaafay ay si weyn uga badnaayeen marka loo eego sanadkan.

“Rajadaydu waxay tahay in Biyo-xidheenka Nile ee (GERD) loo furo dhammaan shacabka Itoobiya toddobaadka soo socda ama ugu dambayn 15 maalmood gudahood, si ay u arkaan oo ugu dalxiisaan” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in in ka badan 100 guri oo kuwo martida ah loo diyaariyey martida goobta booqan doonta.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka Itoobiyaanka ah inay booqdaan oo ay wax ka bartaan sida dhibaatadan, oo qarniyo badan Itoobiya dib u dhigtay loo xalliyey.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -