ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlaayay Shirka Midowga Afrika ayaa sheegay inay marar badan isku dayeen inay is arkaan Madaxweynaha Somalia  balse aysan suurtagalin.

Abiy Axmed wuxuu xusay inuu madax Afrikaaan ah u maray sidii ay Xasan Sheekh ugala hadli lahaayeen heshiskii bada uu la galay Muuse Biixi.

Advertisement

“Madaxweynaha Jabuuti iyo kan Uganda ayaan u maray sidaan Xasan ula hadli lahaa balse waxaa mar kasta hor taagan kulankaasi inuu dhaco Madaxweynaha Somalia”ayuu yiri Abiy Axmed.

Dowlada Somalia ayaa shuruud ku xirtay inay wada hadlaan Itoobiya taasoo ah in marka hore ay ka laabtaan heshiiskii sharci darada ahaa.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDowlada Itoobiya maxay ka tiri eeda Dowlada Somalia
Next articleGanacsato lagu laayay deegaan hoos taga Mahadaay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here