GAZA (DAYNIIILE.COM)-Afhayeenka guutada Qassam ee Falastiin Abu Cubeyda ayaa soo saaray cod cusub isagoo si adag ula hadlay gumeystaha Gaalada Israa’iil.

Afhayeenka oo ah nin warbaahinta dunidu aad u xiiseyso markuu soo hadlo xili afkana uu u duuban yahay.

Advertisement

Sarkaalkaan Xamaas ka tirsan wuxuu si cad ugu sheegay codkiisa ugu dabeeya inaaney xabadu istaagi doonin ilaa iyo inta dadka reer Gaza ka helayaan xoriyad sax ah lagana joojinaayo weerarka Yuhuuda.

“Ma jiro wax heshiis ah oo aan ku deyneyno maxaabiis ilaa iyo inta  Israa’iil joojineyso dulmiga ay ku heyso Gaza” ayuu yiri Abu Cubeyda

“Muhiimadayadu waa inaan joojino gardarada Israel ku hayso dadkeena, mana jirto mudnaan taas ka horaysa”ayuu mar kale ka dhawaajiyay

Afhayeenka wuxuu si kalsooni leh ugu celceliyay inaanay qaadanayn wax heshiis ah ka hor intaysan joojin Yuhuudu gardarrada ka dhanka ah Falastiin.

Afhayeenka oo muujinayay awoodooda ciidan ayaa xusay
Tan iyo markii ay bilowdeen duullaanka gardarrada ah ee lagu hayo Gaza, inay bur buriyeen 825 baabuur oo Israa’iiliyiin ku dagaalameysay.

“Dadkeenu waa guuleysan doonaan iyagoo madaxoodu kor jiro”ayuu mar kale yiri Abu cubeda.

Hadal xikmadeysan ayuu ka dhawaajiyay mar uu ka hadlaayay sida dunida u aragto duulaanka gardarada ah wuxuuna sheegay in dunidu laba nuuc u qeybsameen.

Dambiilayaal aan caddaalad ahayn ama daawadeyaal aan waxba tarayn.

“Waxaan sii wadnaa dagaalka sababtoo ah waxaan ognahay in xuquuqdeena nalaga qaadayo”ayuu yiri afhayeenka.

=SOURCE ALJAZEERA=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleIsraa’iil oo mar kale ku hanjabtay inay Xisbullaal ula dagaali doonto sida Xamaas
Next articleGolaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here