Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie iyada oo 3-2 ku garaacday Inter Milan oo ay garoonka San Siro Stadium si adag ugu dagaallameen.

Kulanka Derby della Madonnina oo si weyn loogu soo camiray garoonka ayay kooxda horyaalka difaacanaysa ee AC Milan si fudud u jabisay difaaca Inter Milan, halka goolhaye Mike Maignan uu muujiyey in uu yahay shabaq ilaaliyaha ugu wanaagsan ee ka ciyaara Serie A.

Weeraryahanka reer Portugal ee Rafael Leao ayaa laba jeer burburiyey difaaca Inter oo goolal ka  dhaliyey halka Olivier Giroud uu u dhiibay kubbad uu hal taabasho ku dhamaystiray.

Inter Milan oo uu ka maqnaa weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa lagaga awood badnaa dagaalka dhinac walba oo garoonka ah, waxaana qaybtii horeba laga qabsaday khadka dhexe, halka difaaca midigna ahaa meesha ay ka liiteen ee Rafael Leao waddada ka dhigtay.

fbl ita serie a ac milan inter 2 320x213 1

Kooxda tababare Inzaghi oo la hormartay gool daqiiqaddii 21aad oo uu u dhaliyey kubbad-sameeyaha reer Croatia ee Marcelo Brozovic ayaan waqti badan kusii negaanin hoggaanka ay qabteen, waxaana toddoba daqiiqadood kaddib goolka barbarraha u dhaliyey AC Milan garabka weerarka Portugal ee Rafael Leao oo ay iska joojin kari waayeen.

Fursado badan ayaa qaybta hore soo maray labada kooxood, waxaana dedaal badan muujiyey goolhayeyaasha oo diiday in natiijada ciyaartu ka badan karto 1-1, hase yeeshee markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Milan la timid laba gool oo ay lix daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen.

Kubbad uu Leao kasoo dhigay dhinaca bidix ayuu xerada ganaaxa ugu dhiibay Olivier Giroud oo ay difaaca Inter fasax siiyeen, waxaanu hal-taabasho oo kaliya kubadda ku weydaariyey goolhaye Samir Handanovic oo ahaa geesi aan garab haysanin, waxaanu goolkani dhashay daqiiqaddii 54aad.

Lix daqiiqadood oo kaliya kaddib ayuu Leao kubadda lasoo galay xerada ganaaxa, waxaanu dhinaca midig ka dhigtay laba difaac oo Inter ah ka hor intii aanu lugta midig ku dhamaystirin kubbad aanu goolhaye Samir Handanovic u helin fursad uu ku badbaadiyo, waxaanu ciyaarta ka dhigay 3-1.

Edin Dzeko ayaa soo gelay garoonka waxaanu dib usoo nooleeyey kooxdiisa Inter Milan oo uu u dhaliyey gool isla  markaana dhawr fursadood oo kale ay iska khasaariyeen iyaga oo sidoo kalena birta garaacay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in AC Milan ay hoggaanka si ku-meelgaadh ah ugula wareegtay 11 dhibcood oo ay ka urursatay shan ciyaarood oo ay dheeshay, waxaase dhaafi kara oo aan wali ciyaarin Atalanta iyo Roma oo min 10 dhibcood haysta, halka Inter Milan ay kaalinta shanaad fadhido oo ay ku haysato 9 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here