XIGASHO LAACIB.NET

Daafaca midig ee Paris Saint-Germain, Achraf Hakimi, ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Clique kaga hadlay eedeymaha uu wajahayo, isagoo si gaar ah u xusay sida uu been-abuurkaasi u saameeyay qoyskiisa.
Hakimi ayaa yiri:
“Waligay qof iima geysan dhaawac intaas le’eg. Aniga way igu adkayd, welina way igu adag tahay. Sababtoo ah marka been been ku xigto la qoro, aad ayey u dhaawacaysaa, gaar ahaan qoyskayga.
Carruurtayda weli waa yaryar. Ma yaqaanaan internet-ka, welina wax ma akhriyaan. Laakiin maalin ayey akhrisan doonaan waxyaabahan oo kale.
Aniga ahaan, inay arkaan been sidan oo kale ah oo laga qoray aabahood, waa wax aan fiicnayn. Mana doonayo in cid kale lagu sameeyo.”
Hakimi ayaa intaas ku daray:
“Ciyaaraha kubadda cagta, dad badan ayaa isku daya inay naga faa’iideystaan. Haddii aadan ku hareereysaneyn dad wanaagsan, waxyaabo sidan oo kale ah way kugu dhici karaan.
Kadib wixii igu dhacay, waxaan badalay waxyaabo badan iyo dad badan. Hadda, goobtayda dadka igu dhow aad ayey u yar tahay, mana la oggola cid kale inay soo gasho.”
XIGASHO LAACIB.NET
