HomeWarkiiAf-hayeen u hadlay Dowlada Qadar oo sheegay in madaxda Carabta iyo Muslimiinta...

Af-hayeen u hadlay Dowlada Qadar oo sheegay in madaxda Carabta iyo Muslimiinta oo dhan ay u midoobeen weerarrada Israel

DOXA (DAYNIILE.COM)-Shirka Qatar ay martigelisay ayaa heer gabo gabo ah maraya xili wararka horu dhaca ah ay sheegayaan Madaxda Carabta iyo kuwa Muslimiinta ay u midoobeen weerarrada Israel sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.

” shir madaxeedkan wuxuu ka dhigan yahay midnimada dalalka Carabta iyo guud ahaan Islaamka”ayuu yiri Majed bin Mohammed al-Ansari oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.

Afhayeenka wuxuu intaasi ku daray in isu imaadka Hogaamiyeyaasha Carabta iyo Muslimiinta ay ka dgigan tahay mid ay muujinayaan mowqifkooda mideysan ee ka dhanka ah weerarka Israel ee Qatar,.

“waxay caddeeyeen in weerarka lagu qaaday waddan Islaami ah iyo Carab iyo xubin ka tirsan Qaramada Midoobay uu yahay koror aan horay loo arag oo khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caalamiga ah,” ayuu mar kale yiri Al-Ansari

SOURCE ALJAZEERA 
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

“Kulankan degdega ah ee ka dhacaya Doha ma aha shir madaxeed ku tiirsanaan, laakiin fariin ku socota aduunka oo dhan in haddaan nahay Carabta iyo dalalka Islaamka, waxaan diidnay wax kasta oo gardaro ah, waxaanan cadeyneynaa in qadiyadda Falastiin ay ahaan doonto mid udub dhexaad u ah ilaa dadka Falastiiniyiinta ay dib u helayaan xuquuqdooda buuxda.”

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -