Afhayeenka Booliiska Sadiiq Doodishe ayaa ka hadlay qaraxii Gaabta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga isgoyska sayidka kaasoo sababay khasaare nafeed.
Afhayeenka wuxuu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen 5 ruux halka 6 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo gurmad loo sameeyay,lana geeyay goobihii caafimaadka sida afhyeenku sheegay.
“abaare 4:10 daqiiqo galabnimo ayuu naftii halage khawarijta ka tirsan wuxuu isku qarxiyay maqaayad shaaha lagu cabo oo lagu magacaabo baar bulsho degmada Howlwadaag waxaana ku dhintay 5 dhimasho iyo 6 dhaawac ah”ayuu yiri Afhayeenka
Masuulkaan wuxuu tilmaamay in dhamaan dadka dhintay ay ahaayeen dad shacab ah oo ku sugnaa halka qaraxa uu ka dhacay oo ah meel bulsha badan.
Mar wax laga weydiiyay sida ay ugu suurtagashay ayuu sheegay in alshabaab tyaargadkoodu uu yahay meel kasta oo dad shacaba ay ku sugan yihiin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM