Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Koofur galbeed ayaa maanta soo bandhigay afar xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta kuwaas oo isi soo dhiibay ciidanka.

Xubnahaan ka mid ahaan jiray khawaarijta ee la soo bandhigay ayaa ka koobnaa Afar ruux muuqaal ahaan laga dareemayey dhibaatada ay ku jireen nolol ahaan inta ay ka tirsanaayeen safka Khawaarijta .

Advertisement

Dhalinyarada maanta isku soo dhiibay ciidanka ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay ka soo qayb qaateen dagaalo khawaarijtu ay ku gashay gobolada Shabeelooyinka, Hiiraan iyo Gedo madaama ay ku jireen waxay ugu yeeraan jabhadaha

Tan iyo markii uu bilowday howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta waxaa sii xoogaysanayey maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha naftooda kala soo baxsanayey deegaanada ay dhuumaalaysanayaan kooxda khawarijta ah.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

Previous articleGudoomiyaha Hay’ada Maareynta Masiibooyinka oo Baarlamaanka kaga jawaabay su’aalo dhowr ah
Next article$500 Free Google Ad Credits

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here