HomeWarkiiMucaaradka samatabixinta iyo wakiilada Beesha Caalamka oo maanta balansan

Mucaaradka samatabixinta iyo wakiilada Beesha Caalamka oo maanta balansan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan siyaasiyiinta mucaraadka ku ah Dowlada ee la baxay Golaha Samatabixinta iyo  Safiirrada Beesha Caalamka.
Warar ku dhaw dhaw shirka ayaa sheegaya in shirkaan lagu wado in looga wada hadlo waqti kala guurka iyo khilaafaadka u dhexeeya Madaxyooyada Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan kulamdii ugu danbeeyay ee Vila Somalia ka dhacay iyo is faham darada labada dhinac halka ay mareyso xili lagu wado wax ka yar sanad inuu dalka ka qabsoomo doorashooyinka madaxtinimo ee Dalka.
 Labada dhinac waxay isla soo qaadi doonaan sida laga yeelayo ismariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo musharaxiinta mucaaradka ah ee doonaya in isbedel la sameeyo.
Mucaaradka ayaa aamisan in xiligaan aan dalka laga qaban karin Doorasho qof iyo cod ah waliba qaabka Dowladu hada wax ku wado marka la eego, Qodobka ugu weyn ee ay isku hayaan Mucaaradka iyo Dowlada aya Dastuurka dalka oo Baarlamaanku dhawaan wax ka badalay, Mucaaradka ayaa doonaya in gabi ahaanba Dowladu ka laabato wax ka badalkii ay ku sameysay Dastuurka.
Wakiilada Beesha Caalamka oo inta badan lagu yaqaan inay u kala dabqaadaan mucaraadka iyo Dowlada marka xiligaan camal la soo gaaro ayaan la ogeyn go’aana ka qaadan doonaan is marin waaga dastuurka xagiisa ah inkastoo hada muda xileedka Madaxweyne Xassan uu ka dhiman yahay wax ku dhaw sanad.
Shirkaani iyo wixii natiijo ka soo baxa waxaad kaga bogan doontaan wararkeena danbe insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
 

May be an image of 18 people, dais and text that says "n"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -