DHUUSA-MAREEB (DAYNIIILE.COM)- Maleeshiyo beeleed ka soo duushay bariga Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa la soo sheegayaa inay xalay dad badan aano qabiil ugu laayeen deegaan dhaca duleedka Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Kooxaha hubeysan ayaa waxay dileen xalay afar nin oo ku wada sugnaa goob dhalinyaradu ku caweyso ama ku fiidsato oo ku taal deegaanka Fara-gooya ee duleedka Magaalada Dhuusa-mareeb.

Advertisement

Wararka aan heleyno waxay intaasi ku darayaan in goobta Raggaasi lagu laayay ay saaka ka taagan tahay xiisad colaadeed iyadoo laga cabsi qabo in dil wadareedkaani sababo dagaal ka dhex qarxa beesha wax dishay iyo kuwa wax laga dilay.

Masuuliyiinta Maamulka Galmudug waxaa muuqata inay ku adkaatay xal u helida dilalka aanooyinka qabiil ku saleysan ee dhex maraya beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Galgaduud.

 

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleHooyo iyo cunugeeda oo aano qabiil loogu dilay deegaan hoos-taga Xeraale
Next articleGalmudug oo noqday Maamulkii ugu horeeyay ee booqda Laas-caanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here