HomeWarkiiAfar talaabo hadi Somaliland aysan ku guuleysan ictiraaf majiro!

Afar talaabo hadi Somaliland aysan ku guuleysan ictiraaf majiro!

Shacabka Somaliland waxa loogu sheekeyay in ictirafki 35 sanno ay sugaayen Israel laga helay balse xaqiiqda waa in sadex talaabo idin dhiman tahay oo Israel hal dal ay tahay waxna ka badali karin qariirada iyo shuruucda UN-ka.

1) Dowladda Soomaliya iyo Baarlaman keeda waa ineey aqbalaan dalabka Somaliland ee ah dal madax-banaan aya nahay.
2) Markey Soomaliya aqbasho, cod aya la galinaya. Wadamada codka leh ee Gollaha Qaramada Midoobay waa 193 dal. Si aad dal madax banaan oo UN katirsan u noqotid waa inaad hesha 129 cod.
3) Marki aad kaso gudubtid buundadas, waxa ku sugayan 15ka xubin ee Gollaha Amaanka Qaramada Midoobay. Waa inaad hesha 9 cod. Mid ku darso Soomaliya wexey January la wareegeysa Shir Guddonka Gollaha Amaanka. Halkaas shaqo aya laga qaban doona.
4) Hadi intaas nasiib u yeelato waxa sugeyso Midoowga Afrikka oo ah organization-ka masuulka ka ah xuduudaha afrikka.

Sido kale dhamaan 5ta xubin ee joogtada ah, 5Veto Power waa ineey haa u codeeyan. For example hadi China ama Russia midkood maya u codeeyo, barnaamijka oo idil halkaas aya lagu kansalaya.

Tusaale , Kosovo waa dal aqoonsi ka heysto in kabadan 100 wadan. Sidaas oo ay tahay UN wexey u aqoon-santahay Serbia ineey kamid tahay. Sababtuna waa in marki UN la keenay qadiyadoda ineey diiden China iyo Russia.
Somaliland ma gali karaan IMF, World Bank iyo FIFA ? Haa balse wexey IMF iyo World Bank u baahan yihin 85% cod ineey helaan, weeyna adag tahay ineey helaan sababto ah Russia iyo China kaligood aya 10% codka guud heystan. FIFA aya iyadana u baahan 51% codka guud.
Walalehen Somaliland xaqiiqda waxa weye in wada dheer oo qodxo badan idin sugeeyso , Dowladda Soomaliya iyo inta la mowqifka ahna awoodooda diblomaasiyadeed ayeey istacmali doonan.
           QORE: 
Ibrahim Abdishakur Ali.May be an image of map and text that says "S a China 中国 France France Fr Russia PoccиR fthe of Nations United Permanent Security United Kingdom Council members United States"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -