Ma la socotaa in qaar ka mid ah ardayda cusub ee qalin jabisay ay shaqadoodii ku bilaabayaan mushaharo aanay shaqaalaha badankoodu waligood gaari doonin inta ay ku guda jiraan xirfadooda? Davis Nguyen, wuxuu caawiyaa ardayda ka qalin jabisay kulliyaddaha inay bilaabaan xirfadahooda la-talinta maamulka.

xitaa ka hor inta uusan dilaacin feyriska corona, waxaa jira shirkado waaweyn oo qaar ka mid ah dadka markaas ka soo qallin jabiyay jaamadaha siin jiray mushahar aad u sareeya.

Hadaba waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa 4 ka mid ah shaqooyiinka aad ka heli karto lacagta ugu badan.

1:Ka talabixinta maamulka

Tani waa mid ka mid ah xirfadahaas ay ardayda islamarka ay qalin jabiyaan ay si toos ah ugalayaan shaqooyin mushahar fiican leh – iyaga oo ku shaqeynaya mushahar aan dadka qaarkiis weligood laga yaabo in uusan soo marin.

La-taliyayaasha maamulka ayaa ka caawiya shirkadaha inay xalliyaan mashaakilaadka, ayna sare u qaadaan hab-sami u socodka ganacsiga iyo kobaciisa.

  1. Injineernimada Computer-ka

Maalmahan, qalabka kombayuutarku wuxuu loo adeegsadaa waxyaabo badan , adduunkuna waxaa isku xira nidaamyada kombiyuutarada. Barashada maadada loo yaqaanno Computer engineering ayaa ah mid qofka u sahli karta in uu hello shaqo mushaar wanaagsan uu ku qaato.

3: Kala hufidda xogta

Kala hufidda xogta inta badan wuxuu diiradda saaraa hababka cilmi-baarista tirakoobka, habaynta xogta tirakoobka iyo falanqaynta natiijooyinka si loo helo ugu dambeyntiii xog macquul ah oo dhameystiran.

Bangiyada waawayn, mushaharka qofka bartay maadada Data analysis sannadka koowaad waxaa uu noqon karaa 110 kun oo doolar sanadkiiba.

  1. Barashada sharciga

Qareenku waa qof bartay sharciga oo u tababaran xirfadle sharciga. Waa khabiir ku takhasusay shuruucda iyo xeerarka sharciga, sidaa darteed waxa uu u qalmaa in uu matalo, caawiyo, la taliyo, difaaco shirkadaha dowliga iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Shirkadaha waaweyn ee sharciga ee ku yaalla London, qaar ka mid ah qareenada cusub ayaa shaqadooda ku bilaaba mushahar dhan 141,115 oo doollar sanadkii.

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here