Gaarisa (dayniiile.com)-Shacabka iyo masuuliyiinta Ismaamulka Gaarisa ee Kenya ayaa walaac ka muujiyay falal dadka looga afduubanayo Magaaladaasi.

Xildhibaan laga soo doorto Gaarisa oo lagu magacaabo Cabdi Cali ayaa saxaafada u sheegay inay kordhayaan kiisaska afduubka Magaalada Gaarisa iyadoo ay u badan yihiin dadka xoola dhaqatada ah kuwa la afduubanayo.

Advertisement

15-kii Bishii hore ayuu sheegay xildhibaanku in la afduubtay nin lagu magacaabo Cabdi Maxamex Cabdi kaasoo aan la ogeyn halka lagu haysto.

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in asbuuc kidib hadana la afduubtay nin kale kaasoo isna lagu magacaabo Axmed Cabdi Axmed

Sidoo kale waxaa ku sii xigay in hadana la afduubtay laba ruux kale taasoo cabsi badan ku dhalisay dadka deegaanka.

Xildibaanka wuxuu carabka ku adkeeyay in dadka la afduubtay ay ku jiraan kuwo caan ka ah Gaarisa gaar ahaana Ganacsi lagu yaqaan.

Si kastaba Baarlamanka ayuu sheegay inuu gaarsiiyay cabshadaan dhanka amniga ee ka taagan Gaarisa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here