Afhayeen Geelle: Amarro badan oo Villa Somalia kasoo baxay waxaa lagu waxyeleeyay oo lagu dilay dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa farriin cusub kasoo saaray Bannaanbaxa ay ku dhawaaqeen inuu Jimcaha ka dhacayo magaalada Muqdisho.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo ah Afhayeenka Middowga musharaxiinta ayaa Hay’adaha Amniga iyo Ciidamada u diray farriin ah inaysan Carqaladeyn bannanbaxa, balse ay sugaan Amniga sida Booliska ugu baaqay inay sugaan nabadgelyada mudaaharaadka Jicmaha.

Wuxuu sheegay inaysan suuragal ahayn in musharixiinta wada bannaanbaxa ay iyaga rabashad sameeyaan, wuxuuna taliyeyaayaasha Booliska, Nabadsugidda iyo Milateriga ugu baaqay inay sugaan amniga Bannaanbaxa sida ay u sugayeen amniga bannaabaxyada lagu taageeri jiray nidaamkii hore ee Farmaajo.

• Waxaan xusuusinaa Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Farmaajo: Amarro badan oo Villa Somalia kasoo baxay waxaa lagu waxyeleeyay oo lagu dilay dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
• Dilalka gaadmada waa xilligii la joojin lahaa, waa inaan la bixin amarro gaado ah oo dad mas’uuliyiin ah iyo bannaanbaxayaal ah lagu waxyeeleyn.
• Wixii rabsho ah meeshaasi ka dhasha mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Farmaajo, ayuu yidhi Musharax Geelle.

Aurhor:- Samiir Abdirahman

Wararka:- Cadaroosh Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here